updated on:

Sunday, September 15 2013

News   Warka  
Imamka Al Azhar oo taageeray Shirka London PDF Print E-mail
Wednesday, 22 February 2012 01:00

Dr Ahmed El Tayyeb, oo ah  Imamka   Al-Azhar ayaa soo saaray baaq uu ku taageerayo shirka London loogu qabanayo dadka Soomalida ah.Khamiista soo socota magaalada London ka furmi doona ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaas oo ay ka soo qeyb geli doonaan in ka badan 50 dowladood iyo hay’ado caalami ah.

Sheekha ayaa kula taliyay dadka Soomaalida ah inay ka shaqeeyaan sidii ay nabarradooda u daweyn lahaayeen, ayna uga hortegi lahaayeen in dib dambe uu u daato dhiigga qof aan waxba galabsan, isagoo ku baraarujiyay inay is-daryeesho.

Baaqa Imamka waxaa u dhigna sida hoos ku qoran

Ilahay baa amaan leh, Allihii koonka abuuray. Naxariista Alle iyo Nabadgalyadiisu ha ahaato korka rasuulkii u dambeeyey, walaalihiisii rususha kale ahaa iyo kuwa xaqa taageera markasta..

Soomaliyeey!

Allaha wayni waxa uu idiinku sheegay [ Qur’anka dhexdiisa] “qabsada xarigga eebbe, dhammaantiin, oo ha kala tagina; waxaanad xasuusanaataan waxa eebbe idinku galladay; waxa aad ahaydeen qaar isu cadaw ah markaasuu alle isu  keenay quluubtiina, waxaanaydu ku noqoteen naxariistiisa alle awgeed qaar walaalo ah”

Rasuulka Eebe, naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee waxa uu yiri:

Qofka mu’iminka ah iyo qofka kale ee muminka ahi waxa ay isu yihiin sidii dhisme oo kale barkiiba barka kale uu xoojinayo.

Sidoo kale waxa uu yiri:

Muslimku waa walaalka qofka muslimka ah ee kale. Sida daraadeed yaanu dulmin yaanuna dulayn. Qofka qof muslim ah u garagaara ilaahay ayaa isna u gargaara; qofka qof muslim ah dhib ka fayda ilaahay ayaa isna ddhibta ka fayda maalinka qiyaame; qofka qof muslim ah ceebtiisa asturana ilaahay ayaa ceebtiisa astura maalinka qiyaame.  .

Walaalaha Soomalida ahoow: Dadkiina sharafta leh waxa soo martay dhib iyo xanuun badan waxaanay u muuqataa haatan in damiirkii  dunidu dhaqaaqay ama ay isku dayayaan in ay wax idinla qabtaan .

Waa in aad ka shaqaysaan sidii nabarkiina  u daweyn lahaydeen, aad u daryeeli lahaydeen agoontiina iyo kuwa barakacay ugana hortagi lahaydeen in dhiig dambe oon waxba galabsani daato .

“qofka muslimka ah qofka kale ee muslimka dhiiigiisa, hantidiisa iyo sharaftiis in uu dhaawacaa waa ka xaaraan” (sunahii nabiga )

Kuwii aan diinta ku walaalawnayow, miyaydaan ka daalin qaybsanaanta iyo dagaalka? Miyaydaan ka daalin in aad qori caaraddiisa kuwada hadashaan iyo qalalaasaha dadkiinii ku barokacay daafaha dunida, dumarkiinii iyo caruurtiiniinau baylihiyay silica iyo ayaan darida?

Markii aan maqlay shirka London runtii waan idiin damqaday waxaanan jeclaystay in aan idinla hadlo, aniga oo rajo ka qaba in oraahdeyda  gaarto qalbiyadiina oo aad aqbashaan. In la heshiiyo, lays cafiyo laysuna dulqaato ayaa loo baahanyahay si dhaawacyada dalkiinu u bogsoodaan dhibaatada dadkiinuna u soo afjaranto.

Waxaan Alle waydiisanaynaa in uu idinku guuleeyo dadaalkiina sharafta leh waxaananu u rajaynaynaa mustaqbal ifaya dadkiina dhibta badani soo gaartay.

Ilaahayow waxaan kaa baryaynaa  in aad na siiso  naxariis aad ku hagto qalbiyadayada, nagu midayso nagagana ilaaliso imtixaanada. Ilaaha dunida oo dhan Abuurayoow.  .

Naxariis, nabadgalyada ilaahay guudkiina ha ahaato.

Shaykh Al Azhar

Written by Diirad Desk